Banadir Sports Club Oo Guul Ku Soo Afjartay Wajiga Hore ee Horyaalka Somali Premier League

Kullan xiiso badan ayaa galabta ka dhacay garoonka Banadir Stadium kaa oo u dhaxeeyay kooxaha Jeenyo iyo Banadir Sports Club Ciyaar qeyb ka ahayd Somali Premier League.

Ciyaarta ayaa ku bilaawatay jawi dagan labada kooxod ayaa soo bandhigeyn kubadda aad u caqiibo laheyd qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku horkaceyso wiilasha Banadir Sports Club waxaana goolashaas u dhaliyay xidigaha kala ah Cabdiqadir Eenow Bentika iyo Daadir Aamiin Cali sidaas ayaa lagu kala nastay dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ee ciyaarta kooxda Jeenyo ayaa dar dar xoogan garoonka ku soo gashay iyado rabta iney iska soo gudo labada gool lagu leeyahay balse ciyaarto wax yar socota kooxda Banadir ayaa heshay goolkii 3-aad ee kulanka waxaana shabaqada mar kale soo taabtay xidiga Cabdiqaadir Eebow bentike ciyaarta ayuu ka dhigay 3-0 ay ku hogaamineyso kooxda Banadir Sports Club.

Wiilasha Jeenyo waxey ahaayen kuwa aan ka niyad jabin labada goo lee lagu leeyahay waxey heshay gool waxaana u dhaliyay xidiga Kanu kaa uu ahaa mid rigoore ku yimid ciyaarto ayuu ka dhigay 3-1, taageerayasha Jeenyo ayaa niyad soo yeeshay iyago ku qeelo dhaaminaya erayo ay ku taageerayan kooxdooda ee Jeenyo.

Kullanko oo wax yar socoda kooxda Jeenyo ayaa mar kale heshay goolkii 2-aad waxaana shabaqada gaaray Saciid Mata ciyaarta ayaa noqotay 3-2 ay ku horkaceyso Banadir balse sheekada waxaa soo gaba gabeeyay iyo niyadii ay la haayen kooxda Jeenyo xidiga shumaca u ah kooxda Banadir Xasan Santos kadib markii kubad Free Kick ah ka dhaliyay kooxda Jeenyo.

Ugu dambeyn ciyaartii xiisaha laheyd waxey ku soo dhamaatay 4-2 ay guusha ku raacday wiilasha Banadir Sports Club

W\Q:cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com