Barca Oo Ka Badisay Atletico, Leo Oo Laad Xur Ah Dhaliyay & Bluagrana 8 Dhibic Ku Qabatay La Liga

Lionel Messi, ayaa wuxuu Barcelona, ku hogaamiyay inay guul weyn oo muhiim ah ay garoonkooda Camp Nou, kaga gaaraan dhigoodda Atletico Madrid, taasoo ka caawisay inay sii dheereystaan hogaaminta tartanka La Liga.

Blaugrana, ayaa waxay ku badisay ciyaartaan 1-0, waxaaan goolkeeda uu yimid daqiiqadii 26aad ee qeybta koowaad, iyadoona uu ka yimid Wiilka gaaban ee Lionel Messi, wuxuuna ahaa mid Laad xur ah.

Qeybta koowaad ayaa waxay ku kala baxeen labadda kooxood 1-0, oo ay Liijaanka ciyaarta ay ku hayso Barcelona, iyadoona qeybta nasiinada ay aadeen labadda dhinac, iyagoona wada tashiyo fiican soo sameyeeyay.

Markii dib leyskugu soo laabtay ciyaarta, labada tababare ayaa waxay sameeyeen isbedalo waa weyn, kuwaasoo ay ku doonayeen inay ciyaarta wax kaga badalaan, waxaana hogaamiyaha Barca, uu bedalay Andres Iniesta.

Isbedalada ay sameyeen labada macalin wax badan kuma aysan soo kordhin ciyaarta marka laga reebo inay ka sinaayeen labadda kooxood, abuubulka weeraro halis ahaa, kuwaasoo goolal loo filan karay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaaay 1-0 oo ay guusha ku raacday Barcelona, waxaana ay ku badisa Camaaliqada La Liga gool Laad xur ahaa, kaasoo uu shabaqa dhex-dhigay Wiilkeeda gaaban ee Lionel Messi.

Guushaan ayaa waxay siineysaa Barcelona inay hada hogaanka La Liga ay ku qabato 69 dhibcood, waxayna ka sareyneysaa Atletico Madrid, oo kaalinta labaad Jiiftay Sideed Buundo, halka Real Madrid ay intaas ka badan tahay.

Messi goolka uu udhaliyay kooxdiisa wuxuu ka dhigan tahay inay Bluagrana ay shabaqa soo taabatay 100 jeer guud ahaan xili ciyaareedkan, waxayna kusoo biireysaa liiska kooxaha dhaliyay 100 iyo wax ka badan.

Kooxahaas waxaa kamid ah, Manchester City, Real Madrid iyo PSG, iyadoona kooxdaan ay dhalisay wax ka badan min 100 gool, iyagoona ka kala dheela horyaalada Ingiriiska, Spain iyo Faransiiska.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com