Barca Sidee Uga Fal-celisay In Xulka Argentina Uu U Soo Baxay Wareega 16-ka Koobka Aduunka?

Xulka qaranka kubada cagta Argentina ayaa wuxuu ugu soo baxay wareega Bug-baxa ee tartanka koobka aduunka 2018 si dirqi ah, kadib markii uu 2-1 uu uga badiyay wadanka Nigeria oo Afrika ku yaala.

Goolka waxaa ku horeeyay wadanka Argentina, iyagoona ka helay laacibka lagu magacaabo Lionel Messi, kaasoo dhaliyay daqiiqadii 14aad ee qeybta koowaad, balse, waxaa ka bareejeeyay qeybta labaad Mosses.

Goolka uu saxiixay xidiga Chelsea ee Victor Mosses wuxuu ahaa Gool ku laad, wuxuuna wadnaha jaray taageerayaal badan oo reer Argentina ah.

Balse, waxaa ka booya dhagay, laacibka lagu magacaabo Morocos Rojo kadib markii uu dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 86aad goolka qalbi Jabka ku riday ciyaartoyda Nigeria.

Sikastaba, natiijadaan waxay siisay wiilasha Argentina inay iska xaadiriyaan wareega Bug-baxa, halkaasoo ay hadda ku wajihi doonaa wadanka Faransiiska, kaasoo kaalinta koowaad ee Group C kusoo baxay.

Dad badan oo ka faalooda cayaaraha ayaa ugu hambalyeeyay xulka Lionel Messi guushaan waxaana kamid noqotay kooxdiia Barcelona oo fariin kooban soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka.

“Leo Messi oo Argentina ka caawiyay inay usoo baxaan wareega 16-ka Koobka Aduunka,” ayey Barcelona soo dhigtay Boggeeda Twitter-ka.

Dhanka kale, Barcelona waxay ugu hambalyeysay Ivan Rakitic oo kamdi ah ciyaartoydeeda inuu dalkiisa ka caawiyay inuu usoo baxo wareega Bug-baxa ee tartankaan iyo inay Group-ka D, koowaad ka noqdeen.

“Shaqo wanaagsan, Ivan Rakitic iyo Croatia – Ku guuleystayaal Group-ka D ee koobka aduunka,” ayaa lagu soo yiri qoraalka Barcelona.

Sikastaba, wadanka Croatia ayaa wuxuu ku wajihi doonaa wareega 16-ka koobka aduunka dhigiisa Denmark, kaasoo isana kusoo baxay kaalinta labaad ee Group-ka C, oo uu koowaad ka noqday Faransiiska.