Barcelona ayaa iska xaadiriyeen wareega 8-aad Champion league-kadib guul ka gaartay Lyon

kooxda Barcelona oo garoonkeeda kula ciyaareysay kooxda dalkaFarnce ee Lyon ayaa guul raaxo leh ka gaartay kaddib markii ay kaga adkaadeen 5-1.

Qeebtii koowaad ee kulankaba Barcelona ayaa la timid labo gool waxaana u kala dhaliyey Messi oo dhaliyey gool rigoore ah iyo Coutinho kaddib markii uu caawin ka helay Suarez daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta .

Qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Lyon ayaa la timid gool daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas u dhaliyey xidigooda lagu magacaabo Tousart, natiijada ciyaarta ayaana noqotay ( 2-1)

Barcelona oo cabsi badan dareemeysay in gool labaad laga dhaliyo ayaa xaqiiqsatay booskeeda wareega xiga kaddib markii ay la yimaadeen sedex gool oo kale waxaana shabqa gaaray Messi Pique iyo Dembele natiijada ciyaarta ayaana noqotay (5-1)

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku dhamaaday (5-1) kooxda Barcelona ayaana u gudubtay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League .

Image result for barcelona vs lyon

Image result for barcelona vs lyon

Image result for barcelona vs lyon

Image result for barcelona vs lyon

Related image