Barcelona ayaa sii deyneysa dhawaan Dukumantigii xagaagii lasoo dhaafay muuqaal goos-goos ah

Barcelona ayaa barteeda Youtube-ka ku baahisay muuqaal goos-goos ah oo hordhac u ah filimka xiisaha leh oo ay kooxda ka diyaarisay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, waxaana loogu magac daray (Matchday: Inside FC Barcelona), waana filim ay jamaahiirta kooxdaas ka dhex arki doonaan wax walba oo ku saabsan nolosha kooxda fasalkii lasoo dhaafay gudaha garoonka iyo banaanka.

Barcelona waxey hanatay horyaalka La Liga iyo Spanish Supercup, balse waxey guuldaro la kulantay final-kii koobka Copa Del Rey, sidoo kalana waxey guuldaro lama filaan ah kala kulmeen Liverpool markii ay lugtii labaad booqdeen garoonka Anfield.

Barcelona ayaa ku guuleysatay kulankii Camp Nou 3-0, balse Jurgen Klopp wiilashiisa waxey natiijada u rogeen dhinaca kale, wiilasha Ernesto Valverde ayaana looga adkaaday 4-0, taasoo noqotay natiijadii ugu naxdinta badneed ee kooxdaan soo gaartay sanadahii ugu dambeeyay

Muuqaalka Goos gooska ah ee lasoo bandhigay waxaa ka muuqanay qeyb yar sida uu noqday qolka labiska Anfield markii ay soo dhamaatay ciyaartii Barcelona looga adkaaday 4-0, waxeyna kaamirooyinka soo qabteen murug badan oo ka muuqata ciyaartoyda Sergio Busquets, Ivan Rakitic iyo Philippe Coutinho.

Sidoo kale muuqaalka lasoo bandhigay waxaa ku jiray mid laga duubay guriga Gerard Pique, wiilka yar ee uu dhalay ayaa hooyadiis Shakira u sheegaya: “Waxaan u baahanahay inaan hal wado ama tan kale gool ku helno”

Barcelona waxey kusoo biirtay liiska kooxaha shirkadaha kula heshiiya in loo duubo muuqaalada filimada ka turjumaya waxqabadka xilli ciyaareedka waxaana horay u sameeyay Man City, Borrusia Dortmund iyo Leeds United halka Spurs lagu soo warramayo iney la heshiineyso shirkadda Amazon Prime.

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person

Image may contain: one or more people