Barcelona Iyo Inter Milan Oo Barbaro Ku Heshiiyay + Natiijada Kulamada Kale Ee Laga Dheelay UCL

Barcelona iyo Inter Milan oo wada qaatay kulan ciyaareed muhiim ah ayaa waxay ku kala baxeen natiijo dhan 1-1, inkasta oo ay Bluagrana goolka ku horeysay.

Malcom ayaa dhaliyey daqiiqadii 83aad, balse waxaa ka bareejeeyay Icardi daqiiqadii 87aad, taasi oo dharbaaxo aysan kasoo kaban ku noqotay camaaliqada La Liga.

Inta uu socday kulankaan ma jirin ciyaaryahan casaan la siiyey balse, waxaa jiray laacibiin labada naadi laga siiyey kaarar Jaalo ah, mudadii uu kulanku socday.

Natiijadaan ayaa ka dhigan inay Bracelona yeelaneyso 10 dhibcood xili ay hogaanka u hasyso Group-ka B, halka Inter Milan ay soo galeyso kaalinta labaad iyada oo leh 7 Buundo.

Hoos ka arag natiijooyinka kulamada kale

Atletico Madrid 2-0 Dortmund

Red Star 2-0 Liverpool

Napoli 1-1 PSG