Barcelona magaarto Pep Guardiola oo ka jawabay Su’aal laga waydiyay Man City

Tababaraha  kooxda kubada cagta Man City ee Pep Guardiola ayaa culeeska ka dajiyay xili la hadal haayo inay afar koob sanadkaan ku guuleesan karaan.

Pep Guardiola ayaa ka diiday saxaafada inay la bar bar dhigaan Man City shaqada ay qabaneyso inay la mid tahay midii ay qabatay Naadigisii hore ee  Barcelona ee uu isaga hogaaminayay xili cayaareedkan 2008/09 sidoo kalena koob walbo ku guuleesteen.

Pep wuxuu yiri “Shaqada Manchester  City aan ka haayo waa bilaaw waxaana kaga harsan sanado badan inay gaaraan heerkii Barcelon-dii aan koobabka u qaaday”

Sidoo kale Pep ayaa iska fogeeyay in Man City tahay kooxda ugu cad cad hanashada Champion-ka.

Wuxuuna macalinkaan yiri “Inta ay Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich joogaan ma noqon karno kooxda ugu cad cad hanashada Champion-ka waayo sedexdaas kooxood  sanad walbo tartanka Yurub qaybihiisa ugu dambeeyo ayay soo gaaraan”

Man City waxay qarka u saaran yihiin inay wareega 8-aad Champion-ka iska xaadirayaan madaama ay lugtii hore 4-0 kaga soo badiyeen kooxda FC Basel oo Etihad lagu qaabilaayo caawa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com