Barcelona Mar Kale Bah Dili Karta Kooxda Ay Sida Weyn U Xafiiltamaan Ee Real Madrid- Maxay Ku Samayn Kartaa

Real Madrid ayaa wajahysa qatar wayn oo ku aadan inay u sacbiso cadawgeeda Barcelona kulanka El-Clasico

Barcelona ayaa 2-0 uga adkaatay Athletic Bilbao oo martin u ahayd, taas oo ka dhigtay inay hogaanka horyaalka ku qabato 11-dhibic kadib markii guul daro soo gaartay kooxda Atletico Madrid

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in cayaartoyda Real Madrid ay u sacabtumi doonaan kuwa Barcelona kulanka El-Clasico haddii Barca joogtayso guulaheeda

Real Madrid ayaa u safri doonta Barcelona kulanka 36-aad ee horyaalka, waxaana uga horeeya koox walba 6-kulan ka hor kulankaas

Image result for ‫ممر شرفي في الكلاسيكو‬‎

Haddii Barcelona ay guulaysato dhamaan 6-daas kulan si rasmi ah ayeey u xaqiijin doontaa inay tahay kooxda horyaalka Spain, sidoo kale haddii ay badiso 5-kulan oo ay barbaro gasho hal kulan waa ay qaadaa horyaalka

Barcelona ayaa sidoo kale waqti hore ku xaqiijin karta horyaalka haddii Atletico Madrid ay soo gaarto guul daro kale kulamada ka horeeya El-Clasico, waxaana ka mid ah kulamada ay cayaarayso kulan ay ka hortagayso Real Madrid

Isku soo wada duub, haddii El-Clasico la gaaro iyada oo Barcelona ay 9-dhibic ku hayso hogaanka, waxay ka dhigan tahay in Barca ay tahay kooxda horyaalka isla markaana Real Madrid ayaa ku qasbanaan doonto inay u sacbiso cadawgeeda waliba Camp Nou

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com