Barcelona Oo 3 Todobaad Ku Ciyaari Doonta 7 Kulan & Faah-Faahinta Bisha Mashquulka Ah Ee Blaugrana

Marka uu soo dhamaado fasaxa xulalka kooxda Barcelona ayaa lahaan doonta bil muhiim ah oo ay mushuul ahaan doonto.

Kooxda Erenesto Valverde ayaa bil gudohood ku ciyaari doona 7 kulan gaar ahaan muddo 3 todobaad ah laga bilaabo kulanka Valencia ee Axada dambe.

Xiddigaha Lionel Messi, Luis Suarez & Junior Firpo ayaa diyaar u ah kooxda kadib markii ay ka soo kabsadeen dhaawacyada xilli ay Barcelona doonayso in ay ka fogaato luminta dhibco kale.

Guuldaradii Athletic Bilbao iyo bar-barihii Osasuna ayaa Barcelona keentay in ay 5 dhibcood lumiso mana awoodaan in ay lumiyaan dhibco kale kulamada soo socda.

Kadib Kulanka Valencia ee Axada Barcelona ayaa u safri doonta Granada ka hor inta ayna Marti Galin Villarreal si la mid ah waxa ay u safri doonaan Getate ka hor inta ayna bisha ku soo xidhan kulanka Sevill.a