Barcelona Oo Bar-baro La Dhaafi Wayday Athletic Bilbao

Kooxda Barcelona ayaa markii ugu horeesay kulan La Liga ka tirsan gool dhalin weesan mudo sanad kadib waxaana ugu dambeesay Febraayo 2018 cayaar ay Getafe la cayaareen 37-kulan ka hor.

Barcelona ayaa sedexdii kulan ugu dambeesay cayaartay dhamaan tartamada kala duwan guuleesanin waxayna wada galeen bar bar dhac Valencia (2-2), Real Madrid (1-1), Bilbao (0-0).

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa bad baadiyay 27-darbo oo ka mid ah 31-darbo oo La Liga lagu riday goolhayahan xili cayaareedkan sidoo kalena kaliya 4-gool ayaa laga dhaliyay.