Barcelona Oo Bedashay Lamberka Uu Ciyaaryahan Philippe Coutinho U Xiranayo Xili Ciyaareedka Dambe

Barcelona ayaa xaqiijisay in ciyaaryahan Philippe Coutinho uu xagaaga soo socda kooxda u xiran doono Lamberka 7aad oo uu xagaagii hore beneeyay Arda Turan.

Lamberkaan ayaa loo arkayay inay Barcelona meel udhigtay ciyaaryahan Antoine Griezmann, kaasoo gabi ahaanba iska diiday inuu Camp Nou usoo dhawaaqp.

Wiilka udhashay waddanka Brazil ayaa wuxuu kasoo guuray Lamberk 14aad, kaasoo loo xiray markii uu kasoo dhaqaaqay Liverpool bishii Janaayo ee sanadkaan.

War kasoo baxay Barcelona maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Coutinho uu bedashay Lamberkiisa 14aad, islamarkaana la siiyay Lamberka 7aad.

Philippe Coutinho ayaa la filayaa inuu sanad ciyaakreedka soo aadan la filayaa inuu weerarka kooxda Barcelona ku wehliyo Lionel  Messi iyo Luis Suarez,

Sikastaba, Philippe Coutinho ayaa waxa uu hadda qayb ka yahay ciyaartoyda Barcelona ee isku diyaarineysa Final-ka Spanish Super Cup oo ay la balansan yihiin Sevilla oo ay Sabtida la dheeli doonan.