Barcelona Oo Cadeynsay Mowqifkeeda Ku Aadan Hadii Uu Dib Ugu Soo Laabanayo Neymar Jr

Barcelona ayaa si adag waxaa loo hadal-hayaa inay dib usoo ceshaneyso Neymar Jr, kaasi oo kamid ah ciyaartoyda dunida ugu fiican waqti xaadirkaan.

Wiilkaan heerka caalami ee dalka Brazil waxaa la sheegayaa inuu ku fekerayo ka tegista PSG, halkaasi oo uu ku sugnaa sanadihii lasoo dhaafay.

Pep Segura oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona wuxuu dib kusii shiday shakiga laga qabo inuu Camp Nou kusoo laabanayo wiilka Paris udheela.

“Hadii aan inaga rumeysano taasi waa nala aflagaadeynayaa, waa wax waajib nagu ah inaan isaga ka war-sugno,” ayuu hadalkiisa udhigay.

Tani ayaa ka dhigan inay Barcelona diyaar u tahay helitaanka Neymar mar kale, wallow go’aanka ay gaareyso kooxda PSG oo qiimo waali ah ku iibsatay.

Neymar ayaa haatan ah ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan, waxaana lagu soo iibsaday qiimo lacageed dhan 222 milyan oo Yuuroo.