Barcelona Oo Dib Ula Wareegtay Hogaanka Horyaalka La Liga Xili Ay Dubteen Villarreal

Barcelona ayaa dib ula wareegtay hogaanka horyaalka La Liga ee wadanka Spain kadib markii ay labo cad-cad ka dhigeen dhigooda Villarreal.

Ciyaartii dhex-martay kooxahani ayaa daqiiqadihii loo qorsheeyay waxay kusoo dhamaatay natiijo dhan 2-0, oo ay ku badisay camaaliqada Spain.

Gerard Pique iyo Carles Alena ayaa kala dhaliyay goolasha ay ku adkaatay Bluagrana, taasi oo muuqaal fiican ka sameysay garoonka.

Inta uu socday kulankii dhex-maray kooxahani ma jirin ciyaaryahan la siiyay kaar gaduudan, balse, waxaa jiray laacibiin kaarar Jaalo ah loo qaybiyay.

Guushaan ayaa uga dhigan Barcelona inay yeelaneyso 28 dhibcood iyaga oo labo buundo ka sareeya Sevilla, taasoo booska labaad Jiifta.

Kulanka soo socda waxay Barcelona ka horjeedaa kooxda kubadda cagta Cultural Leonesa, taasi oo ay la ciyaari doonto dheel ka tirsan lugta labaad ee Copa del Rey.