Barcelona Oo Dubatay Kooxda Reer South Afrika Ee Sundowns Xili Dembele iyo Suarez Ay Shabaqa Soo Taabteen

Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa waxay guul wayn ay ka gaartay dhigeeda Sundowns, kadib ciyaar xiiso lahayd oo ka dhacday garoon ku yaala dalka Koonfur Afrika.

Kulankaan ayaa wuxuu kusoo dhamaaay 3-1 oo ay guusha ku raacday camaaliqadda horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Barcelona ayaa waxaa kulankaan goolasha ukala dhaliyay ciyaartoyda kala ah, Ousman Dembele, Luis Suarez iyo waliba Andres Gomez.

Goolashaan ayaa waxay kala heshay Barcelona labadda qeyboood ee kulanka, iyadoona goolka koowaad laga dhaliyay Barcelona qeybta labaad.

Sibusiso Vilakazi, ayaa wuxuu Barcelona ahaa ka dhaliyay goolkaan, waxaana uu ahaa midka kaliya ee shabaqa Barcelona shaqada soo taabta.

Kulankaan inta uu socda labadda kooxood waxay isku qaadeen weeraro halis ah, kuwaasoo qaarkood goolal noqon karay.

Dembele ayaa wuxuu ahaa mid bandhiga ugu fiican ee kulankaan sameeyay, waxaana uu caawiyay goolkuu dhaliyay Suarez, isagoona gool kale dhlaiyay.

Lionel Messi oo kulankaan bedal ku yimid maadaama uu keydka kusoo bilowday ayaa wuxuu sameeyay isana bandhig aan sidaas usii badneen.

Sikastaba, kulanka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday 3-1 oo ay ku badisay Barcelona – Blugarana ayaa hada waxay hanatay xagaagan saddex koob, marka lagu daro mid maxali ah.

Koobabka waa weyn oo ay Barcelona qaaday xagaagan waxay kala yihiin La Liga iyo Copa del Rey, halka koobka kale ay kala yihiin Colonia Super Cup.