Barcelona oo Kaga Hor Tagi Karto Wareega 16-ka Champions League 5 Koox & Laba Premier League

Kooxda Barcelona ayaa guul ku soo xirtay tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyaga oo garaacay Inter Milan.

Barcelona ayaa wakhti hore xaqiiqsatay kaalinta 1-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyada oo haatan sugaysa isku aadka tartanka oo Isniinta La smaayn doono.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta kooxaha kaalinta 2-aad kaga dhamaystay Wareega Group-yada tartanka  champions League marka laga reebo kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid maadama ay isku dal yihiin.

Dhanka kale  Barcelona ayaa ka hor tagi doonta kooxo adag oo ay ka mid yihiin 2 kooxood oo premier League ah kuwaas oo kala ah Chelsea iyo Tottenham oo kaalinta 2-aad kaga dhamaystay Group-kooda champions League.

Kooxaha Lyon iyo Napoli ayaa sidoo kale ku aadi kara kooxda Barcelona tartanka champions League wareega 16-ka xilli ciyaareedkan kadib markii ay labada kooxood kaalinta 2-aad kaga dhamaysteen Group-yadooda.

Kooxaha Dinamo Zagreb, Atalanta Iyo Shakhtar Donetsk ayay sidoo kale midkood ku aadi kartaa kooxda Barcelona maadama ay 3-da kooxood ku dagaalamayaan kaalinta 2-aad ee Group-ka C.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com