Barcelona Oo Rikoor Sameen Doonta Hadii ay Caawa Guuldaro Iska Ilaaliyaan Hadaba Muxuu Yahay Rikoorka?

Barcelona ayaa soo galaysa kulanka caawa Tottenham  iyada oo isha ku haysa rikoor taariikhi ah oo ay champions League ka dhigtay kooxda Bayern Munich

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Barcelona gaartay 28 kulan oo ayna wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda tartanka champions League.

Rikoorkaas ayay kooxda Barcelona bilowday bishii September 2013 waxana ay gaadhay 26 guulood iyo 2 bar-baro oo tartanka champions League ay ku cayaartay Camp Nou.

Guul ama bar-baro ay la gasho kooxda Tottenham ayaa ka caawinaya in ay kooxda Barcelona bar-barayso rikoorka ugu fiican ee ay dhigtay kooxda Bayern Munich intii u dhexaysay March 1998 ilaa April 2002 ee garoonkeeda ayna wax guuldaro ah kala kulmin tartanka champions league

Barcelona ayaa sidoo kale rikoor kale oo fiican ku leh wareega Group-yada tartanka champions League iyaga oo guul gaartay dhamaan kulamadii 5-ta ahaa ee ugu dambeeyay ee garoonkeeda iyaga oo aan guuldaro la kulmin tan ilaa 2009