Barcelona oo saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Real Betis… +SAWIRRO

Barcelona ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonka Benito Villamarin, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 23-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 2-2 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Real Betis iyo Barcelona.

Daqiiqadii 6-aad kooxda Real Betis ayaa heshay gool ku laad waxaana gool u badelay Sergio Canales, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 9-aad Barcelona ayaa heshay goolka bar-bardhaca waxaana dheesha 1-1 ka dhigay xiddiga reer Holland ee Frenkie De Jong, waxaana goolkan ka caawiyay Lionel Messi.

Markale daqiiqadii 26-aad Real Betis ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Nabil Fekir.

Laakiin Daqiiqadii 45-aad Barcelona ayaa markale la timid goolka bar-bardhaca waxaana dheesha 2-2 ka dhigay Sergio Busquets, Lionel Messi ayaana markale goolkan caawiyay.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxayna sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-3 ka dhigay daafaca reer France ee Clement Lenglet.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonka Benito Villamarin

 

 

    

 

 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com