Barcelona Oo Shaacisay Liiska 26ka Xiddig Ee U Safray Japan Ee Ka Horimaan Doona Chelsea

Tababare Ernesto Valverde ayaa magacaabay 26ka ciyaaryahan ee qeybta ah socdaalka ay Barcelona ku tageyso Japan iyagoo ka qeyb qaadanaya koobka saaxiibtinimo ee Rakuten Cup.

Sagaal ka mid ah ciyaartoyda Barcelona B ayaa lagu soo daray kooxda safartay oo kala ah: Iñaki Peña, Araujo, Guillem, Oriol Busquets, Monchu, Collado, Riqui Puig iyo Carles Pérez.

 

Dhamaan 17ka ciyaaryahan ee kooxda koowaad ee ku soo laabtay tababarka ayaa qeyb ka ah safarkaan, waxaa kaliya maqan xiddigaha ka qeyb galay tartankii Copa America sida Lionel Messi, Luis Suarez iyo Arturo Vidal.

Si ay kooxda u noqoto mid dhameystiran tababare Ernesto Valverde waxa uu u soo yeertay sagaal da’ yar ah oo uu ku jiro Hiroki Abe kaasoo booqan doona dalka uu ka soo jeedo.

Blaugrana waxa ay Japan ku ciyaari doontaa labo kulan kulanka ugu soo horeeya waxa ay Talaadada oo ah 23ka July la ciyaari doonaan kooxda Chelsea iyadoo kulankaas uu ka dhici doono magaalada Tokyo.

Kulanka labaad waxa ay ka horimaanayaan kooxda uu u ciyaaro halyeeygoo Andres Iniesta ee reer Japan Vissel Kobe waxaana ay ciyaartaas ka dhaceysa magaalada Kobe 27ka bishaan July.

Liiska ciyaartoyda la magacaabay ee u safartay Japan: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena, Nelson Semedo, Gerard Pique, Jean-Clair Todibo, Clement Lenglet, Jordi Alba, Sergi Roberto, Samuel Umtiti, Ronald Araujo, Guillem Jaime, Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Rafinha, Carles Alena, Frenkie de Jong, Oriol Busquets, Riqui Puig, Monchu, Alex Collado, Ousmane Dembele, Malcom, Antoine Griezmann, Hiroki Abe iyo Carles Perez