Barcelona Oo Shaacisay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Philippe Coutinho Oo Dhaawacmay

Barcelona ayaa ku dhawaaqay maanta oo Khamiis ah in ciyaaryahan Philippe Coutinho uu dhaawac soo gaarey, islamarkaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo ku siman saddex todobaad.

Laacibkaan udhashay dalka Brazil ayaa wuxuu ka dhaawacmay muruqa cajarka bidix, kulankii ay wajaheen Inter Milan ee ka tirsanaa Champions League, kaasi oo ay kooxahaan ku kala baxeen 1-1.

Kulanka ugu soo horeeya ee uu seegi doono wuxuu noqonayaa midka ay Barca la dheelayso dhigeeda Real Betis todobaadka soo socda.

Coutinho ayaa wuxuu ku biirayaa liiska ciyaartoyda Lionel Messi iyo Ousmane Dembele oo ka dhaawacan kooxda uu leeliyo Ernesto Valverde.

Dembele ayaa loo arkaa bedalka ugu wanaagsan, maadaama dhaawaciisa uu yara fudud yahay, lana filayo inuu dhaawaan kasoo laabto.

Malcom oo dhaliyay gool muhiim ahaa kulankii Inter Milan ayaa ah dookh kale oo wanaagsan, kaasi oo uu soo xulan karo macalin Ernesto Valverde, wallow ay noqon doonto sheeko adag in la helo bedal ku haboon Coutinho.