Bayern Munich Oo Warbixin Caafimaad Kasoo Saartay Dhaawaca James Rodriguez Iyo Mudada Uu Maqnaanayo

James Rodriguez waxaa soo gaarey dhaawac dhanka Jilibka ah, sida laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Bayern Munich ee dalka Germany.

Laacibkaan ayaa wuxuu garoomadda ka maqnaan doonaa inta laga gaarayo sanadka cusub, taasi oo ka dhigan inuu helayo waqti badan oo uu ku nasto.

Wiilkaan udhashay dalka Colombia ayaa dhibaatadaan waxay kasoo gaartay kulankii ay khasaaraha kala kulmeen dhigooda Borussia Dortmund.

James ayaa amaah ugu yimid naadiga reer Germany, taasi oo kasoo qaadatay Real Madrid muddo ki siman labo fasal ciyaareed, taasi oo uu iska diidi karo inuu ku laabto.

“War xun! James wuxuu garoomadda ka maqnaan doonaa tan iyo 2019 kadib dhaawac Jilibka ah,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Bayer, oo la raaciyay: “Soo kabasho deg deg ah.

Dhaawacaan soo gaaray James ayaa kusoo aadaya xili ay si wanaagsan ku bilaabatay Bayern Munich, fasal ciyaareedkan xili laga cabsi qabo inay tabaan.