Benzema Oo ka Hadlay Inuu Salaamayo Hadii Uu La Kulmo Mathieu Valbuena Fadeexad Dhaxda Ka Dhigay

Karim Benzema, xidiga afka hore uga dheela kooxda kubada cagta Real Madrid iyo qaranka Faransiiska ayaa wuxuu ka hadlay inuu salaami doono Mathieu Valbuena oo udheela naadiga Lyon, kaasoo laacibkaan fadeexad culus dhexda ka dhigay.

Fadeexadda ayaa waxay ahayd inuu Benzema la ugalmooday ciyaaryahan kale oo Faransiis ah, inkastoo uusan soo bandhigin wax cadeymo oo lagu qanci karo, hadana Benzema ayaa taasi wuxuu ku waayey metaladaada dalkiisa.

Ilaa iyo hada ma ahan mid kasoo muuqday tan iyo xiligaas liiska ciyaartoyda France, waxaana muuqata in wali macalinka wadankaas ninka lagu magacaabo Didier Deschamps, mid doorbida xidiga Lyon, isagoona aan kusoo darin Benzema liiskii uu dhawaan soo saaray.

Sikastaba, Benzema oo wax ay ka weydiisay Majaladda Le Parisien hadii uu wali xumaato uqabo Mathieu Valbuena iyo inuu salaami doono hadii uu la kulmo ayaa wuxuu sheegay ciyaaryahanka Real in uusan wax dhibaato ku qabin.

“Waan jeclaan lahaa inaan salaamo, halkaas wax dhibaato ah kama taagna,” ayuu Benzema ku jawaabay mar sheekadaas wax laga weydiiyay.

Isagoo si adag uga jawaabaya laacibka calamiga ah ee Karim Benzema ayuu yiri: “Waa inaan mar walba ilaalisaa salaantaada.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com