Borussia Dortmund Oo Garaacday Kooxda PSG hal lugna la gashay wareega 8 dhaamadka champions League.

Kooxda Borussia Dortmund Ayaa Garaacday Kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League .

Xiddiga wacdaraha ka dhigay da’yarka mucjisada kubada cagta noqday xilli ciyaareedkan ee Erling Haaland kaas oo dhulka ku jiiday kooxda PSG Labada Naadi ayaa bar-baro gool la’aan ah isku dhaafi waayay qaybtii hore ee ciyaarta in

Qaybtii dambe ayay wax walba is badaleen iyada oo la kala dhaliyay dhamaan goolasha sidoo kale labada kooxoodba soo bandhigeenqaab ciyaareed sare .

Daqiiqadii 68-aad ayay Borussia Dortmund dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 .

Kooxda PSG ayaan wax badan ka dambayn iyaga oo bilaabay in ay cadaadis saaraan kooxda Borussia Dortmund si ay u raadiyaan goolka bar-baraha.

Daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta ayay PSG dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Neymar kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.

Kooxda  Dortmund ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalkii ay ku doonaysay goolka kale iyo in ay mar kale hogaanka ugu qabato ciyaarta.

Daqiiqadii 77-aad ayay Borussia dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo mar kale wadnaha jaray PSG kana dhaliyay goolka 2-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Borussia Dortmund Ay afka dhulka u galisay kooxda  PSG Ay hal lugna la gashay wareega 8 dhaamadka champions League.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com