Brazil Oo Dhagaha Ka Tuntay Germany Xili Gabriel Jesus Oo Laba Cad Ka Dhigay Xulka Dunida Ugu Fiican

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday 1-0

Weerar yahanka kooxda kubada cagta Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa labo cad wuxuu ka dhigay xulka daafacanaya koobka aduunka ee Germany.

Laacibkaan ayaa wuxuu ahaa dhaliyaha goolka qura ee dalkiisa Brazil uu guusha kaga gaaray dhigiisa Germany ciyaar ka dhacday garoonka Olympiastadion Berlin.

Kulankaan oo ahaa mid xiiso leh ayaa waxaa ciyaartoyda labadda dhinac ay soo bandhigeen muuqaal ciyaareed fiican, laakiin Jaalayaasha ayaa guusha hela.

Goolka uu dhaliyay Jesus, oo yimid qeybta koowaad gaara ahaan daqiiqadii 37aad ayaa wuxuu soo gaba gabeeyay iyadoo Brazil aysan guul ka gaarin saddexdii kulan ee lasoo dhaafay Germany.

Germany vs Brazil

Xulka Germany ayaa inta badan wuxuu ahaa mid kubada isaga uu maamulayay, laakiin Brazil ayaa waxay dheeleysa maskax, waxayna kubada haysatay 42 58 boqolkiiba, halka Germany ay haysatay 58 boqolkiiba.

Inta kulanka uu socday lama bixin wax Casaan ah, sidoo kalena lama bixin wax Jaalo ah, taasoo ka dhigan in kulanka uu ahaa mid jawi degan kusoo dhamaaday.

Sikastaba, kulanka ayaa wuxuu guud ahaan kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday Brazil, iyadoona ay uga dhigan tahay inay ka aarguteen guul daradii 7-1 ee koobkii aduunka 2014-kii, inkastoo tirada goolasha ay aad u yar tahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com