Buffon Oo is Bar Bardhigay Harry Kane iyo Halyeey Ka Soo Cayaaray Italian Serie A

Goolhayaha kooxda kubada cagata Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa soo jeediyay in Harry Kane uu leeyahay qaab cayaareedka Xiddigii hore ee kooxda Fiorentina Gabriel Batistuta.

Harry Kane ayaa gool ka dhaliyay Bianconeri kulanka lugtii hore Champions League ee ee ka dhacay Torino, hadana wuxuu xalay ka soo muuqday kulankii kooxdiisa ay ka hartay champions league ee Juventus guul kagaartay.

Kabtanka Juventus Buffon ayaa qeexay waxa indhahiisa uu ku arkay kulanka xalay harry Kane isagoo tayada laacibka England la simay laacibkii hore ee horyaalka Serie A ee Batistuta.

Waxaa jira waxyaabo fara badan oo ay ka simanyihiin Kane iyo Batistuta,” ayuu Buffon ka yiri shirka jaraa’id kulankii xalay ee Spurs.

Sida aan aaminsanahay is bar bardhiga waa mid ku haboon labada cayaartooy marka la fiiriyo awoooda muuqaalka cayaaryahan ahaan, iyo dhameystirka.

Harry Kane waxa uu ku soo jiray bandhig cajiib ah, shaki kuma jiro in uu kamid yahay weeraryahanada waqtigan ugu wanaagsan kubada cagta.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com