Cabdulsamad”Waan Ka Xumahay In Aan Ka Maqnaando Xulka Qaranka Somalia”

 Cabdul Samad Waan Ka Xumahay In Aan Ka Maqnaando Laacibka Xulka Qaranka Somalia iyo kooxda Den Bosch ee ka dhisan wadanka Nethlanda Cabdulsamad Cabdullahi ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay in seego waajibaadka Xulka Qaranka ee ka qeyb galaya tartanka qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa.

“Waan ka xumahay in aan seego tartankan qiimaha badan,waan jeclaan lahaa in matalo wadankayga oo aan meel wanaagsan ka gaarno ciyaaraha Cecafa”

Taageerayaasha Xulka Qaranka ayaa si weyn ugu hadlay maqnaansha xiddigan oo kaalin wanaagsan kulahaa qalbada dhexe labadii kulan ee is reeb reebka uu Xulkeena la dheelay bishii Septembember 2019 dhigiisa Zimbawe,balse xirfadyahan Cabdulsamad Cabdullahi ayaa Xulka Qaranka Somalia ku seegaya horyaalka Nethland oo furan

“Waajibaadka kooxdayda ayaan ku maqanahay ee ma jiraan arimo kale,balse waxaan u mahad celinayaa taageerayaasha Xulka oo fariimo kala duwan ee soo diray iyagana aad ayay u mahad sanyihiin” ayuu ku waramay Cabdulsamad Cabdullahi.

W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com