CAJIIB: Muxuu kaga Dhigan Yahay Sedexleydii Lucas Moura Ka Dhaliyay Ajax Taariikhda Champion- League

Tottenhamm  Spurs ayaa iska xaadirisay finalka Champion-ka ka dib guul  ay ka gaareen kooxda Ajax 

Lucas Moura ayaa sedexleydaas dhaliyay xilli Tottenham looga hormaray labada gool waxa uuna goolka guusha ah dhaliyay waqtigii dheeriga ee ciyaarta.

Image result for Lucas Moura

Hadaba Tottenhama ayaa finalka tartankaas koobka UEFA Champions League waxa ay bisha June isku arkayaan kooxda Liverpool kuwaasi oo mucjiso dhigay ka dib afar gool oo ay ka badiyeen Barcelona.

Hadaba xogaha ugu muhiimsan ee ka soo baxay kulankaas Ajax iyo Tottenham ayaa ah in ay tahay markii sedexaad oo final-ka tartamada yurub ah isugu soo harayaan laba kooxood England  ah ka dib 1972-dii iyo tartankii UEFA Cup final xilligaas oo ay isku soo hareen Spurs vs Wolves sanadkii 2008-dii ee Champions League final ee ay isku arkeen Man United iyo Chelsea .

Lucas Moura ayaa noqday laacibkii 5-aad ee sedecleey ka dhaliya semi finalka Champion-ka ka dib Alessandro Del Piero, Ivica Olic, Robert Lewandowski iyo Cristiano Ronaldo.