CAJIIB: Roy kean OO ka hadlay Wal-Wal uu ka Qabo Qaab Ciyaareedka Harry Maguire

Xiddigii hore Kooxda Man United ee Roy Keane ayaa qirtay in uu wali shaki ka qabo Daafaca Cusub ee kooxda Man United ee Harry Maguire kadib markii uu 80 Milyan oo euro ugu soo biiray Man United xagaagan.

Xiddiga 26 jirkan ayuu macalin Ole Gunnar Solskjaer u arkooday xiddig muhiim ah oo horumarin kara daafaciisa laakiin Man United ayaa lagu qasbay in ay lacag rikoor ah ka bixiso xiddiga  xulka England.

Maguire ayaa ku bilowday dhamaan 4-tii kulan ee Man United ee xilli ciyaareedkan laakiin kooxda Soslkjaer ayaa ku fashilantay in ay shabaqa ilaashadaan 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Kadib markii wax laga waydiiyay bilaabshada Maguire ee Man United ayuu Roy Keane u sheegay ITV” Waxan u malaynayaa in uu qabtay shaqo fiican”.

Waxa aan ka hadlaynay sida uu u fiican yahay marka uu kubada haysto laakiin dhanka daafaca waxa saaran hal ama laba calaamad su,aal.

Waxa aan mar walba ka wal-walsanaa orodkiisa marka ay kooxda kale kubada haystaan

“Waxa aan xasuustaa goolkii ugu horeeyay ee Crstal Palace markaas oo uuna qabanayn waxyaabaha Aas-Aasiga ah oo ay in uu caawinayo saaxiibkiisa kale ee daafaca Waa 26 jir haatan waa in aad ka wal-walto marka aad aragto waxyaabahaas oo kale..