Cajiib:Salah waa uu diiday Abaalmarintiisa xiddiga garoonka oo waxaa uu ku wareejiyay………….

Xiddiga  Liverpool ee Mohamed salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay saddex gool kulankii ay Liverpool guusha weyn  ka gaartay  Bournemouth.

Salah ayaa dhaliyay 3 gool oo ka mid ah 4-tii gool ee ay Liverpool ku badisay kulanka isaga oo dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka premier League

Mohamed salah ayaa noqday xiddigii cayaarta ugu fiicnaa laakiin salah ayaa diiday in uu gudoomo abaalmarinta isaga oo ka diiday in uu James Milner ka gudoomo abaalmarinta.

Salah ayaa abaalmarinta ku sharfay James Milner oo kulankiisii 500-aad ee premier League saftay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Bournemouth.

Saxafiga Sky Sport ayaa Milner u sheegay in uu salah gudoonsiiyo abaalmarinta xiddiga ugu fiican kulanka laakiin Mohamed salah ayaa diiday in uu qaato abaalmarinta.

“Waxa uu saftay kulankiisii 500-aad, waxa uu soo qaatay xirfad cajiib ah isaga ayaa u qalma in uu qaato abaalmarinta sidaas darteed kama qaadanayo”ayuu Mohamed salah Yiri

Image result for Mohamed salah

Image result for Mohamed salah

Image may contain: 1 person, text