‘Calaan-calka Iska Dhaaf Ee Kulan Walba Isku Diyaari’ – Gabar Caan Oo U Jawaabtay Basquets

Iyadoo Sergio Basquets uu dhawaan walaac badan uu ka muujiyay Jadwalka kulamada ay La Liga ka dheeleyso Kooxdiisa Barcelona, ayaa waxaa arrintaas uga soo jawaabtay Gabadha lagu magacaabo Eli Pinedo.

Haweeneydaan ayaa waxay tahay mid udhalatay dalka Spain, waxayna dheeshaa ciyaarta kubada gacanta ama Hanball-ka, waxanaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray xidiga Bluagrana uu yahay mid aanan waxba ahayn.

Basquets, ayaa wuxuu sheegay hadalkaan kadib markii labo kulan oo xiriir ah oo waliba adag leyskugu soo aadiyay kuwaasoo kala ahaa Las Palmas, oo ay Talaadii lasoo dhaafay la dheeleen iyo Atletico Madrid, oo Axadii ahayd.

Inkastoo, kulankii Atletico Madrid, ay guul gaareen hadana waxay Bareejo 1-1 ay kula soo galeen Las Palmas gurigeeda, waxaana xidigaan reer Catalonia uu ku dhaleeceeyay xiriirka kubada cagta Spain inay ganac-bidixeynayaa kooxdiisa.

“Waxaan ku sharaxi kara [hadalka] Basquets inuu yaahy mid aysan ku dareemin safarkooda raaxo,” ayay kusoo qortay Gabadhaan barteeda Twitter-ka.

“Waxaana si cad utilmaami karaa in waxa loo baahan yahay in marka la yimaado garoonka in guusha la helo,” ayay raacisay.

“Marka, waa inaad noqotaa waqti kasta mid geesi ah xaalad kasta, waa inaad Nafsadaada cuno fiican aad siisaa oo aadna isku diyaarisaa kulan kasta oo kugu soo wajahan,” ayay kusoo gaba gabeysay hadalkeeda.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com