Carles Puyol Hazard waa cayaaryahan wanaagsan balse heerka Messi iyo Ronaldo…

Xiddigii hore ee Barcelona  Carles Puyol  iyo xulka Spain  ayaa ka hadlay kulankii  adkaa ee xalay dhexmaray kooxaha  Barcelona iyo Chelsea .

Carles Puyol ayaa qalad weyn ku tilmaamay in Eden Hazard inuu qabto shaqada Lionel Messi oo kale ama si guud Messi loola bar bar dhigo.

Carles Puyol wuxuu yiri Hazard waa cayaaryahan wanaagsan balse waaa qalad weyn in laga fisho xalay wax qabadka xiddiga Messi oo kale.

Sidoo kalena Hazard wax badan ayaa kaga harsan inuu heerka Messi iyo Ronaldo gaaro oo ah labada cayaaryahan ee aduunka dhanka kubada hormuud ugu ahaayeen 10-kii sano ee ugu dambeesay”

Inkastoo Messi 2-gool ka dhaliyay kooxda chelsea xalay si la mid ahna Hazard 3-gool ayuu tartankan ka dhaliyay hadana Puyol wuxuu aaminsan yahay labadaan xiddig cayaartii xalay ay  isku mid ahayn  lkn uu lionel messi  go’aamiyay  cayaartii xalay  ee ka dhacday  garoonka Camp Nou.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com