Carlos Tevez oo ka shifay sirta ay ku kala duwanyihiin Lione Messi iyo Cristiano Ronaldo

Cayaaryahankii hore ee kooxaha  Manchester United, Manchester City iyo Juventus, Carlos Tevez ayaa ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee lasoo cayaaray Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Carlos Tevez oo hadda dib ugu cayaaraya kooxdii hore ee   Boca Junior ayaa Messi kula midoobay xulka qaranka dalka Argentina, halka Ronaldo uu la wadaagay qolka lebiska ee Manchester United.

Xiddiga 34-jirka ayaa banaanka soo dhigay sirta ay ku kala duwanyihiin labada xiddig, maadaama aad loo raadiyo kala duwanaashaha labadan xiddig

Carlos Tevez  ayaa sheegay in kooxda Barcelona weeraryahankeeda uusan ahayn mid in badan qaata tababarka, sidoo kalena uusan ahayn mid waqti ku qaata Gym-ka.

Halka weeraryahanka kooxda Juventus uu waqti badan uu siiyo jir dhiska sida uu carrabka ku dhuftay  carlos Tevez

Ronaldo ayaa xilli hore soo gali jiray tababarka kooxda Manchester United, waxaana uu Tevez sheegay in isagoo xilli hore soo galay tababarka uu arki jiray Ronaldo oo halkaas jooga.

Xiddigii hore ee kooxda West Ham ayaa markii dambe  inuu aroortii yimaado, waxaana uu arkay Ronaldo oo ku sugan xerada tababarka, balse uu hurdaayay sida uu xaqiijiyay.