Casamiro Oo Ka Digay Halista Ka Imaan Karta Di Maria Marka Ay Caawa La Dheelayaan PSG

Hogaamiyaasha horyaalka Ligue 1, ee dalka Faransiiska ayaa waxay caawa oo Talaado ah ay kula dheelayaan garoonkooda dhigooda Real Madrid, lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League.

Inkastoo, Neymar uu yahay mid dhaawac ku seegaya ciyaartaan hadana waxaa jira halisyo kale, oo ay haysato kooxda reer France, sida uu ka dhawaajiyay laacibka khadka dhexe uga dheela Real Madrid, ee Casemiro.

Xidigaan reer Brazil, kaasoo warbaahinta la hadlay kadib guushii ay Todobaadkan kaga gaareen gurigooda kooxda Getafe, ayaa sheegay in Di Maria, uu kamid yahay halisaha ugu badan oo ay haysato kooxda Paris.

“Mala hadlin Neymar, laakiin kulamadaan oo kale waa inuu ku lug-yeeshaa ciyaaryahan ama qof walba, waana kulan uusan isaga dheeli doonin, laakiin PSG waxay heleysaa ciyaaryahano kale oo fiican,” ayuu Casemiro yiri.

“Hadda [Angel] Di Maria waa uu kasoo muuqan doonaa, waa ciyaaryahan heer sare ah – Waxaan haysanaa faa’ido, laakiin waa ay adag tahay in labada dhinac ay na dhibaateeyaan, waa kulan heer sare ah,” ayuu sii daba dhigay.

“Waxaan rajeynayaa inay noo dheeli doonan [Luka] Modric iyo [Toni] Kroos – Ma xaqiijin karo, laakiin waxaan filayaa inay diyaar noo ahaadaa, waxay ii tahay inaan ka garab dheelo muuqaal fiican,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com