Casemiro Oo Ka Hadlay Masiirka Zidane & Hadii Uu Yahay Khadkii Dhexe Ee Ugu Fiicnaa Abid Soomara Real

Xidiga khadka dhexe, gaara ahaan burburinta ee Casemiro, ayaa wuxuu amaan uu hubiyey Zinedine Zidane, waayihiisa uu ciyaaryahanka ahaa iyo waliba hada oo uu ka yahay tababare garoonka caanka ah ee Estadio Santiago Bernabeu.

Casemiro, ayaa wuxuu si gaar ah uga hadlay wararka sheegaya in hogaamiyaha Los Blancos laga eryi doono sanad ciyaareedka Madrid, hadii uu uqaadi waayey tartanka xiisaha leh ee Champions League, kaasoo ay wareega 8-da ka joogaan.

“[Zidane] waa uu sii wadan doona sanadka soo aadan joogitaankiisa halkaan, waana hubaa midaas,” ayuu yiri – Wuxuu intaas ku daray: “Wuxuu ku guuleystay labo sano oo xiriir ah Champions League, waana in lagu xishmeeyo midaas.

“Qofna ma aysan gaarin arrintaas – Dhamaan ciyaartoyda oo dhan waa ay ku farax-san yihiin Zidane, waxaana aaminsahay isaga wax badan.

“Waxaa dooneynaa inaan la guuleysano isaga, ka shaqsi ahaan, waxaan u arkaa isaga qof wanaagsan noo ah inaga.

“Zidane waa khadkii dhexe ee ugu fiicnaa abid aduunka oo dhan – Waxaan taageere u ahay Madrid iyo Galacticos: Raul, Roberto Carlos, , [David] Beckham. Laakiin midka ugu fiican waa Zidane,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Casemiro.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com