Casemiro Oo Qiray In Imaatinta Neymar Ee Real Ay Adag Tahay – Muxuuse Ka Yiri Hadii CR7 Ay Heshiin Karaan

Cristiano Ronaldo wuxuu noqon karaa mid saaxiib fiican lah Neymar, hadii laacibkaan reer Brazil uu usoo dhaqaaqo Real Madrid, sida laga soo xigtay Casemiro.

Isagoo ka hadlayay aqoonta uu uleeyahay Nemar, ayaa wuxuu sheegay in laacibkaan uusan kasoo tegi karin Paris Saint-Germain, inkastoo uu Casemiro sheegay in kooxdiisa ay ubaahan saxiixa, wiilka dunida ugu qaalisan.

“Neymar waa mid mar walba aan caadi ahayn tan iyo markii uu 11-sano jir ahaa,” ayuu usheegay El Partidazo, habeenkii Khamiista – “Wuxuu sameeyaa waxyaabo waali ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray xidiga Real Madrid.

“Uma malaynayo inay jirto fursad uu Real Madrid ku imaan karo, laakiin waxaa fiicnaan lahayd inaad weydiiso Florentino Perez [Madaxweynaha Real Madrid].

“Wuxuu ogyahay in Albaabada Real Madrid ay mar walba ufuran yihiin isaga, laakiin wuxuu hada ku farax-san yahay Paris.

“Tayadda uu leeyahay darteeda waan lasii saxiixan lahaa isaga, waana hubaa midaas, waxaana rajeynayaa inuu yimaado sanad ciyaareedkan.

“Waa ciyaaryahan weyn, mid kamid ah sadexda dunida ugu sareysa – Wuxuu ka sameyn karaa wax walba oo uu doono banaanka garoonka, hadii uu sii wado wuxuu awoodaa inuu ka sameeyo gudaha garoonka.

“Hadii ay isaga iyo Cristiano isla soo galaan garoonka, waxay noqon doontaa mid aad u fiican,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, ciyaaryahanka lagu magacaabo Casemiro, kaasoo khadka dhexe, gaara ahaan burburinta Real Madrid uga dheela.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com