Cesc Fabregas Oo Magacaabay Xidiga Ugu Fiican Chelsea – Muxuu Ka Yiri Mustaqbalka Hazard?

Cesc Fabregas, ciyaaryahanka khadka dhexe uga cayaara Chelsea ayaa tilmamay in Eden Hazard uu yahay kan ugu wanaagsan kuwa hadda udheela naadigaan ka dhisan Galbeedka London.

Farasama-yaqaanka reer Spain ayaa sidoo kale, wuxuu ka hadlay mustaqbalka kabtanka xulka Belgium-ka, kaasoo si wayn loo hadalhayo inuu ku biirayo naadiga Real Madrid ee dalka Spain.

Hazard ayaa waxaa loo arkaa inuu yahay bedalka Cristiano Ronaldo, kaasoo gabi ahaanba isaga dhaqaaqay Madrid, oo uu ku sugnaa muda Sagaal-sano ah oo u xirnaa maaliyada Boqorada Yurub.

“Waxaan aaminsanahay inuu yahay ciyaaryahanka noogu fiican,” ayuu Fabregas usheegay wariyaasha.

“Waxaan nahay koox fiican, waxaana dooneynaa inaan ahaano, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano wax fiican, waxaana ubaahan tahay ciyaaryahanka ugu fiican. Eden waa uu naga mid yahay.

“Isaga waa ciyaaryahan, kaasoo dhamaanteena aan jecelyahay inaan la dheelno, si gaar ah aniga.

“Inaga ahaan, waa ciyaaryahanka noogu muhiimsan. Qof walba wuu jecel yahay, taageerayaasha, kooxda, ciyaartoyda, waana ubaahan nahay isaga, wuuna ogahay midaas,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.