Cesc Fabregas “Waxaan go’aan ku gaaray in aan ka tago kooxda”

Laacib Sports : Laacib ka u dhashay wadanka Spain una ciyaara kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga dhaqaajiyo Stamford Bridge isagoona durba wada hadalo la bilaabay kooxdiisa sida ay warinayaan warar ka imaanaya dalka Spain in uu u laabto.

Arrintaan heshiiska uu 31-jirka kula joogo Blues ayaa dhacaya dhammaadka kal ciyaareedkan iyadoona beeca xorta ah lagu heli karo suuqa xagaagan bilaabanaya 2019-2020-ka.

Ciyaaryahan ka Fabregas ayaa horey u qiray inuu doonayo inuu sii joogo Chelsea balse kooxdiisa ayaa u soo bandhigi waysay heshiis kordhin, dhanka kale Fabregas weli heshiis lama gaarin kooxda uu ku biiri lahaa marka uu ka tago kooxda reer London, laakiin Marca ayaa sheeganaya in ilo wareedyo ku dhow dhow wada hadalada uu Chelsea kaga tagayo ay sheegayaan in bar-dhammaadkiisa uu noqon doono Mashruuc Cusub.

Kooxaha u tartamaya laacibkaan Monaco iyo AC Milan ayaa si xoogan lala xiriiranayaa laacibka reer Spain, laakiin Tababare Sarri ma doonayo inuu waayo adeega Fabregas wuxuuna yiri “Waxaan doonayaa inuu kooxda sii joogo, ma garanayo go’aanka kama dambeysta ah ee Fabregas iyo midka kooxda, Laakiin aniga ahaan aad ayay muhiim u tahay inuu joogo haddii uu tagana waxaan aaminsanahay inaan u baahanahay inaan soo iibsano laacib kale, mana sahlana midaa maxaa yeelay farsamo ahaan Fabregas waa ciyaaryahan aad muhiim u ah.” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey.