Champions League-ga Goorta La Ciyaari Doono Iyo Xaqiiqooyin Muhiim Ah

Laacib Sports : Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shalay sameeyay isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions league iyada oo kooxuhu ay ku kala calaf qaadeen isla markaana ay kulamo xiiso badani ka soo baxeen. Champions league-ga ayaa shaacisay jadwalka rasmiga ah ee lagu ciyaari doono kulamada wareega 16ka.

Naadiyada kaalmaha kowaad kaga soo baxay heerkii guruubyada Champions League ayaa kulamada lugta hore ee wareega 16ka waxay noqon doonaan kooxaha martida ah taas oo la micno ah in kulamada lugta labaad ay haystaan fursad ay garoomadooda ugu soo dhawayn karaan kooxaha lagu aadiyay Champions league-ga.

Ciyaaraha ugu xiisaha badan ee wareega 16ka Champions league ayaa ah kulamada dhex mari doona kooxaha Bayern Munich-Liverpool, Man Unite-PSG laakiin sidoo kale kulamada dhex mari doona Juventus-Atletico Madrid iyo Dortmund -Tottenham ayaa noqon doona kulamo si wayn loo sugi doono Champions league-ga.

Ugu dambeyntii Qeybtan hoose ka bogo jadwalka rasmiga ah ee ay UEFA soo saartay ee lagu ciyaari doono wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League iyada oo waqtigu dhmaantood yahay 21:00 CET waana waqtiga Muqdisho 11:00 Habeenimo

Is araga Lugta Kowaad Ee Wareega 16ka

12 February ,2019

Kooxda Manchester United vs Paris Saint-Germain

Kooxda Roma  vs Porto

13 February,2019

Kooxda Tottenham Hotspur  vs Borussia Dortmund

Kooxda Ajax  vs Real Madrid

19 February ,2019

Kooxda Lyon  vs Barcelona

Kooxda Liverpool vs Bayern München

20 February,2019

Kooxda Schalke vs Manchester City

Kooxda Atlético Madrid vs Juventus

Is araga Lugta Labaad Ee Wareega 16ka

6 March,2019

Kooxda Manchester United  vs Paris Saint-Germain

Kooxda Roma  vs Porto

5 March,2019

Kooxda Tottenham Hotspur  vs Borussia Dortmund

Kooxda Ajax  vs Real Madrid

13 March,2019

Kooxda Lyon  vs Barcelona

Kooxda Liverpool  vs Bayern München

12 March,2019

Kooxda Schalke  vs Manchester City

Kooxda Atlético Madrid vs Juventus