Chelsea Oo Si Qurux Badan Uga Badisay Dhigeeda Fulham Kulan Ka Tirsanaa Horyaalka EPL

Kooxaha Chelsea iyo Fulham ayaa wada dheelay kulan ciyaareed ka tirsanaa horyaalka Premier League ee wadanka Ingiriiska, kaasi oo xiiso badnaa.

Dheeshii dhex-martay naadiyaddani waxay kusoo dhamaatay daqiiqadihii loo qorsheeyay natiijo dhan 2-0, oo ay ku badisay naadiga Blues.

Kooxda Galbeedka London ka dhisan waxay uga mahad-naqeysaa goolasha ciyaartoyda kala ah; Ruben Loftus-Cheek iyo Pedro.

Inta uu socday kulanka ma jirin ciyaaryahan la siiyay kaar casaan ah, balse waxaa jiray ciyaaryahano kale, kuwaasi oo loo qaybiyay Jaalooyin.

Guushaan ayaa uga dhigan Chelsea inay yeelaneyso 31 dhibcood iyadda oo kaalinta saddexaad kaga jirta shaxda kala horeynta horyaalka EPL.

Kulanka xiga Chelsea waxay wajaheysaa dhigeeda Wolves kulan ciyaareed ka tirsan tartanka labaad ee Ingiriiska ugu xiisaha badan ee UK, League Cup.