Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Khaajirisay Crystal Palace Iyo Willian Shumaca Garoonka Ahaa

Chelsea ayaa guul muhiim ah, waxay Stamford Bridge ay kaga gaartay dhigeeda Crystal Palace kadib markii ay kula dheeshay gurigeeda ciyaar ka tirsaneed kulamadii 30aad ee horyaalka Premier League, ee wadanka Ingiriiska.

Ciyaartaan oo kusoo dhamaatay 2-1, taasoo ay guusha ku heshay Blues, ayaa waxay iga mahad-naqeysaa Willian, maadaama goolka furitaanka uu isaga dhaliyay, halka goolka kale ay iska dhaliyeen wiilasha Palace.

Willian, qoolkiisa oo ahaa mid qurux badan ayaa wuxuu yimid daqiiqadii 29aad ee Bogga koowaad ee ciyaartaan xiisaha lahayd.

  • Goolka Willian ayaa wuxuu ka dhigan tahay kiisii 13aad, ee uu tartamada oo dhan uu fasal ciyaareedka udhaliyo Blues.
  • Sidoo kale, wuxuu dhaliyay laacibkaan reer Brazil goolkiisaan Shuudkiisii 5aad ee uu garoonka ku jiro ee uu ganay inta uu ciyaarta dheelayay.

Dhinaca kale, goolka kale oo ay iska dhaliyeen wiilasha Crystal Palace, ayaa waxaa isaga shubay daafaca reer England ee Martin Kelly, waxaana uu uu yimid goolkaan uu iska dhaliyay xidigaan daqiiqadii 32aad ee qeybta labaad.

Daqiiqadii 90aad, ayaa waxaa kooxda kubada cagta Crystal Palace gool usoo celiyay, laacibka reer Holland ee lagu magacaabo Patrick van Aanholt, kaasoo daafaca bidix ka dheela, isagoona ka diiday in Chelsea ay guusha ku sheegato 2-0, kana dhigay 2-1.

Guusha ay ciyaartaan ka heshay Blues ayaa waxay ka saacideysaa inay yeelato 53 dhibcood, waxayna wax-xoogaa ay madax kor usoo qaadeysaa, iyadoona kusoo dhawaaneysa Tottenham oo Afaraad fadhisa, xili Blues 5aad ay tahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com