Chris Hughton oo Taariikh aan horay dhacin ku soo kordhiyey Premier League

Tababaraha kooxda Kubada cagta Brighton Chris Hughton ayaa Taarrikh Cusub oo aan horay u dhicin ku soo kordhiyey Horyaalka Premier League dalka England kadib markii uu ku guuleystey Macalinka bisha ee horyaalkaas.

macalin Chris Hughton ayaa Noqdey Taariikhda macalinkii koowaad ee Madoow ah oo ku guuleysta Macalinka Bisha ee Horyaalka Premier League waxaana uu geli doonaa buuga Taariikhda ee Horyaalkaas.

Brighton and Hove Albion Macalinkeeda Chris Hughton oo 59 sano jir ah ayaa ku Guuleystey Macalinkii ugu fiicnaa Horyaalka England bishii labaad ee la soo dhaafay kadib markii uu Guulo gaaray .

Kulamadii uu Cayaaray bishii lasoo dhaafay?

Feb 3: Brighton 3-1 West Ham

Feb 10: Stoke City 1-1 Brighton

Feb 17: Brighton 3-1 Coventry (FA Cup)

Feb 24: Brighton 4-1 Swansea

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com