CODDEYN: Yaa Ku Guuleysan Doona Laacibka Todobaadkan Ugu Fiican CL Xili Lasoo Saaray Xidigaha U Sharaxan?

Xiriirka kubada cagta Yurub maamula ee UEFA, ayaa waxay soo saareen liiska afarta ciyaaryahan ee usharaxan midkii ugu fiicnaa kulamadii Isbuucaan laga dheelay tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan ee Champions League.

Kooxihii Isbuucaan dheelay ayaa waxay kala ahaayeen AS Roma oo la dheeshay Shakhtar Donetsk, Man United oo qaabishay Sevilla, Bayern oo booqatay Besiktas iyo waliba Barcelona oo Camp Nou kusoo dhaweysay Chelsea.

Kooxaha kala ah: AS Roma, Sevilla, Bayern Munich iyo Barcelona ayaa waxay usoo baxeen wareega Sideed dhamaadka, halka kuwa kale ay iska hareen.

Sida muuqata, ciyaartoyda afarta ee loosoo xushay inay ku tartamaan abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa, ayaa waxaa laga soo doortay kooxihii usoo baxay wareega Sidee dhamaadka, waxayna kala yihiin: Džeko [AS Roma], Ben Yedder [Sevilla], Müller [Bayer] iyo Messi [Barca].

Hadaba, akhriste yaa ku guuleysan doona ciyaaryahankii Isbuucaan ugu fiicnaa kulamadii Sideeda ahaa ee laga dheelay Champions League – codkaaga ku dhiibo Lifaqaan hoose:

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com