Conte Muxuu Ka Yiri Guul Daradii City, Bandhiga Kooxdiisa, Rajadooda 4 Sare & Mustaqbalkiisa

Tababaraha kooxda kubada cagta Chelsea, ee Antonio Conte, ayaa wuxuu ka hadlay guul daradii kooxdiisa kasoo gaartay dhigeeda Manchester City, kuwasoo ay ku booqdeen garoonkooda Etihad Stadium.

Kulanka labadda kooxood oo ahaa mid xiiso leh, ayaa wuxuu kusoo dhamaaday guud ahaan 1-0, oo lagu soo daaray Blues, wuxuuna Conte difaacay muuqaal ciyaareedka kooxdiia, kaasoo ahaa is-daafacid.

Shirkiisa jaraa’id ee kadib ciyaartaan io wareysi uu siiyay Shabakada Sky Sport, ayaa wuxuu Conte uga hadlay waxyaabo badan, waxaana aan idin kugu soo gudbin doonaa halkaan hoose.

“Kulanka wuxuu ahaa mid adag, waxaana isugu soo diyaarina sidii aad aragteen ciyaartoyda run ahaantii waxay sameeyeen wixii aan aniga soo faray,” ayuu Conte usheegay Shabakada Sky Sport News.

Image result for Chelsea boss Antonio Conte defended his defensive tactics believing them to be necessary to restrict space for Manchester City, but concedes they were not good enough in attack.

“Ma jirin qeybta koowaad wax dul-duleeyo ah oo naga banaanaa, laakiin Boga labaad ayaan naga dhagalahay, waxaana dhihi karaa waa ay adagkeed inaan soo gool soo bareejeeno qeybta labaad.

“Maxaa yeelay, Cilimada kulanka oo aan caadi ahayn iyo waliba saameynta kulanka, waliba kooxda kale, oo si fiican isku abaabushay,” ayuu hadalkiisa kusii daray, macalinkaan dalka Talyaaniga udhashay.

Geesta kale, Conte oo warbaahinta uwaramay ayaa wuxuu ka hadlay rajadooda farta sare isagoona yiri: “Waxa hada harsan waa kulamo kooban, laakiin waxaan isku deyi doonaa inaan uga dhameysano horyaalka booska ugu fiican.

Gaba gabadii, Antonio Conte oo la weydiiyay su’aal ku saabsan mustaqbalkiisa iyo hadii kulankaan wax udhimi karo ayaa ku jawaabay: “Aniga waxaan halkaan ujoogaa inaan shaqeeyo, waxaana wali diyaar u ahay inaan sii wato.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com