Conte Muxuu Ka Yiri Hadii Ay Ka Quusteen EPL Iyo In Xagaaga Dambe Ay UCL Kasoo Muuqdaan

Tababaraha kooxda kubada cagta Chelsea, ninka lagu magacaabo Antonio Conte, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in wali rajadooda horyaalka ay nooshahay, ayna dagaalami doonaa illaa iyo dhamaadka xagaagan.

Blues ayaa kulankii ugu dambeeyay ee EPL, waxaa 1-0 kusoo dharbaaxday Manchester City, isagoona ciyaartaas ka dib uwaramay warbaahinta wuxuu Conte ku celceliyay inay wax walba usameeyeen sidii ay guul darada diidi lahaayeen.

Macalinkaan Talyaaniga udhashay ayaa wuxuu kaloo ka hadlay rajadooda inay kasoo muuqdaan xagaaga dambe Champions League, wuxuuna daboolka ka qaaday inay diyaar uyihiin inay udagaalamaan booskaas.

“Sidii aan ula dheelnay Barcelona [Kulankii Champions League] ayaan City ula ciyaarnay, wax walba waan isku deynay, si aan guusha uhelno,” ayuu Conte ku sheegay wareysigii uu wariyaasha siiyay.

“Waxaan umaleynayaa inaan sii wadi doonaa ka miro-dhalinta hadafkeena, waxaana muhiim ah inaan sidaan wax yeelo illaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Waxaan ognahay inaan baahan nahay booskeena Champions League, wax walba waan usameyn doonaa sidii aan ugaari lahayn hadafkeena,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Antonio Conte, macalinka Chelsea.

Sikastaba, Chelsea ayaa waxay hada kaga jirtaa shaxda kala horeynta ee Premier League, kaalinta Shanaad waxayna leedahay 53 dhibcood, iyadoona kaalinta Afaraad ay ku jirto Tottenham oo 58 dhibcood leh.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com