Conte Muxuu Ka Yiri Hadii Man City Ay 100 Dhibcood Ku Qaadi Karto Xagaagan Horyaalka EPL?

Tababaraha Chelsea, ee Antonio Conte ayaa wuxuu rumeysan yahay in Manchester City ay noqon karto kooxdii ugu horeysay taasoo 100 dhibcood ku qaada horyaalka Premier League, ee dalka Ingiriiska.

Sky Blues ayaa waxay hada leedahay 78 dhibcood, waxaana uharsan 10 ciyaarood, kuwaasoo aanan la ogeyn waxa ay la kulmi karto, inkastoo marka la muuqaal ciyaareedkooda ay umuuqdaan kuwa aanan la joojin karin.

Sikastaba, Chelsea ayaa waxay hada tahay kooxdii ugu horeysay ee dhibco badan ku qaada EPL, kadib markii ay sanadkii 2004-05 ay ku hanteen 95 dhibcood, iyadoona hada ay macquul tahay inay jabiso Man City.

Hadaba, mar wax laga weydiiyay Conte sheekadaas kadib ciyaartii 1-0, looga badiyay dhiciisa ayaa wuxuu ku jawaabay: “[Haa] hadii ay sii wadaan [guulaha] waxayna hada uyihiin kuwa ubaahan midaas.

“Waa ay gaari hadafkaas [Inay 100 dhibcood ku qaadaan EPL] hadii guuleystaan kulamada uharsan, waxayna hada yihiin kuwa xalad fiican ku jira, waliba kubad wanaagsan iyo si go’aanimo ah ku dheelaya.

“Laga soo bilaabo guushii 3-0 ee Arsenal, waxay yihiin kuwa ushaqeynaya si adag, waxaana umaleynayaa in dhamaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha ay yihiin kuwa ay ka go’an tahay inay gaaraan wax walba oo ay doonayaan.

“Laakiin waa ay adag tahay inay [100 dhibcood ay ku qaadaan Premier League] sababtoo ah, kulamada harsan ma noqon doonaa kuwa si sahal ah, maxaa yeelay cid walba guul ayay dooneysaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Qiyaas ahaan, Manchester City hadii ay badiso 10-ka kulan ee harsan waxay ku qaadi kartaa Prmeier League 108 dhibcood, xitaa hadii badiyaan 8 kulan waxay ku qaadi karaan horyaalka 102 dhibcood.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com