Conte Oo 2 Arin Kula Taliyay Morata Si Uu Koobka Aduunka U Dheelo

Tababraha kooxda kubada cagta Chelsea ninka lagu magacaabo Antonio Conte ayaa wuxuu rumeysan yahay in Alvaro Morata uu fursad uhaysto inuu dalkiisa Spina ku metalo koobka aduunka 2018, ee Ruushka lagu qaban doono.

Weerar yahanka Chelsea ayaa waxaa nan looga yeerin dalkiisa Spain kulamadii saaxiibtinimo ee uu dheelay Isbuucyadii udambeeyay, taasoo ka dhigan inuu hada calaamad su’aal weyn uu saaran yahay booskiisa koobka aduunka.

Morata oo Chelsea uga soo dhawaaqay xagaagan dhigeeda Real Madrid ayaa waxaa lagu soo iibsaday aduun lacageed dhan 75 Milyan oo Yuuroo, laakiin ma uusan uga soo dhalaalin lacagtaas laga soo bixiyay sidii laga filayay.

“Morata wuxuu wali uhaystaa fursad wayn inuu metalo dalkiisa koobka aduunka, laakiin waa inuu si adag uu ushaqeeyaa kulamada soo aadan iyo illaa iyo dhamaadka fasal ciyaareedkan,” ayuu Khamiistii usheegay Conte warbaahinta.

“Wuxuu ubaahan yahay inuu dib usoo celiyo dhaqamadii lagu yaqiinay oo ahaa inuu dhaliyo goolal iyo inuu bad-qabkiisa uu wanaajiyo, taasi ayaana ah waxa ugu muhiimsan,” ayuu hadalkiisa kusoo daray macalinkaan reer Italy.

“Waxaan hada dareemayaa inuu taasi hada diyaar u yahay, sidaas darteeda, waxaan urajeynaynaa dhamaanteena inuu noqdo mid bad-qabkiisa uu wacnaado, oo uu noo dhaliyo goolal muhiim ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Conte.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com