Courtois Oo Si Lama Filaan Ah Uga Fal-celiyay Hadii Uu Doonayo Inuu Hazard Kula Soo Biiro Real

Thibaut Courtois, oo ah Goolhayaha cusub ee Real Madrid ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa in Eden Hazard uu kula soo midoobo Los Blancos oo si xoogan loola xiriirinayo.

Shabaq-illaaliyaha udhashay dalka Belgium ayaa waxaa uu iska dhiibay Madrid Khamiistii shalay ahayd wadanka Spain, halkaasoo ay kusoo bandhigtay, waxaana lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horeeyo uu dheelo.

Hazard ayaa si lamid ah waxaa dhankiisa dooneysay Los Blancos, waxaana la filayay inuu bedal unoqdo Cristiano Ronaldo, kaasoo dhankiisa ku biiray naadiga Juventus ee wadanka Talyaaniga.

“Waxa uu yahay isaga ciyaaryahan cajiib ah,” ayuu Thibaut Courtois u sheegay warbaahinta shalay oo Khamiis ahayd.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale wada dheelno, waxaana rajeynayaa inay dhici karto midaas mustaqbalka.

“Hadii aysan dhamaan maalmaha, isaga waan wada dheeli doonaa markale, maxaa yeelay waa xidig cajiib ah.

“Waxa uu yahay mid door muhiim ah ka qaatay guulaha kooxda, waxaana urajeynayaa iyaga nasiib anaagsan mustaqbalka,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay laacibka Los Blancos ee Thibaut Courtois.