Coutinho Iyo Suarez Oo Guul Muhiim Ah Ka Caawiyay Barca Xili Hogaanka Ay Sii Dheereysteen

Barcelona, oo umartisay dhigeeda Malaga ayaa waxay soo gaartay guul weyn, taasoo ka saaciday inay sii dheereysato hogaanka horyaalka La Liga, ee wadanka Spain, kaasoo haatan meel xiiso leh maraya.

Kooxda macalin Ernesto Valverde, ayaa waxay ku heshay guusha 2-0, waxaana intaas udheereed inay kubad qurux badan ay soo bandhigtay.

Ciyaartoyda kala ah: Luis Suarez iyo Coutinho ayaa udhaliyay Bluagrana goolasha, waxayna kala yimaadeen labadda qeybta koowaad ee kulanka.

Goolka Suarez, oo horeeyay ayaa yimid daqiiqadii 15aad ee qeybta koowaad, kadib Karoos ka yimid ciyaaryahan Jordi Alba.

Sidoo kale, goolka Coutinho ayaa wuxuu yimid daqiiqadii 28aad ee qeybta koowaad, waxaana uu ahaa Kubad ay isku soo dhiibeen qaar kamid ah, ciyaartoyda Barcelona oo ciyaartan si fiican udheelay.

Daqiiqadii 30aad, waxaa kooxda Malaga Kaar Casaan ah laga siiyay ciyaaryahankeeda lagu magacaabo Samuel Garcia Sanchez.

Qeybta koowaad oo lagu kala baxay 2-0 ayaa waxaa markii dib leyskugu soo laabtay ay soo bandhigeen wiilasha  labada koox kubad qurux badan, laakiin uma aysan suura gelin inay goolal ay iska dhaliyaan

Sikastaba, kulanka ayaa kusoo dhamaaday 2-0, oo ay ku awood roonaatay Barcelona, waxaana ay uga dhigan tahay inay hada hogaanka La Liga ay ku qabaneyso 72 dhibcood, halka Atletico oo 2aad ay 61 leedahay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com