CR7-ayaa fariin dhiirigalin ah u diray jamaahiirta ku xiran bogiisa rasmiga ah ee baraha bulshada

Laacibka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa farriin dhiirigalin ah u diray jamaahiirta ku xiran bogiisa rasmiga ah baraha bulshada ee Twitter-ka, kaddib markii loo caleemo saaray abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee horyaalka dalka Talyaaniga.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalka Talyaaniga, kaddib markii uu kooxda Juventus si weyn kaga caawiyay inay guuleysato horyaalka Serie A markii 8-aad ee xiriir ah, xili ciyaareedkan.

Dhinaca kale  Cristiano ayaa ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican saddexda horyaal uu nasiibka u yeeshay inuu ka ciyaaro, ee kala ah Premier League, La Liga iyo Serie A.

Xiddiga 34 jirka ayaa wuxuu farriin dhiirigalin ah u diray taageerayaashiisa, kadib guulihii uu ka gaaray horyaalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

Geesiga England, Spain iyo Talyaaniga, sidoo kale Ciyaaryahanka ugu fiican England, Spain iyo Talyaaniga, ma jiraan wax si aad u gaarto, marka maalin kasta ee ku soo marta ay ku rumoowdo riyadaada.

Image result for ronaldo