CR7 Oo Sharaxay Sababta Uu Aaminsan Yahay Inuu Dunida Ugu Fiican Yahay & Cida Uu Hibeeyay 4-ley Girona

Kabtanka xulka qaranka kubada cagta Portugal, ee Crsitiano Ronaldo, ayaa wuxuu sheegayaa inuu isaga yahay midka aduunka ugu fiican.

Xidiga Real Madrid ee Ronaldo, oo ka qeyb galaya xafladii lagu gundoonsiiyay abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa kuwa dalka Portugal kasoo jeeda sanadkii 2017 ayaa sidoo kale ka hadlay afar-leydii uu dhawaan dhaliyay.

“Waxaan mar walba sheegayaa inaan aniga ahay midka ugu fiican, maxaa yeelay waxaan aaminsahay midaas, waxaana kusoo bandhigay garoonka,” ayuu Ronaldo

Isagoo ka hadlay afar-leydii uu dhawaal dhaliyay ayuu yiri: “Waxaan ku jiraa hada waqti fiican, waxaana taasi la wadaagayaa saaxiibadeyda igu kooxda ah.

Image result for Ronaldo at Quinas de Oura

“Waxaa mid cajiib ah inaan uruursado bilado shaqsi ah, waxayna ii tahay waayaheyda Real Madrid, mid sooyaalkeyga geli doonta,” ayuu sii daba dhigay

“Shan koob oo hal sano ah, Shan Ballon d’Or iyo bilad kale oo FIFA ah, waa mid cajiib ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Joogdheeraha Los Blancos

Sikastaba, abaalmarinta xidiga sanadka ee wadanka Portugal, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xiriirka kubada wadankaas, iyadoo loo yaqaan Quinas de Oura.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com