Cristiano Ronaldo Isku Dayay In Uu Ramos Ku Qanciyo In Uu imado Juventus

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa si lama filaan ah maalmihii la soo dhaafay loola xiriirinayay in uu isaga tagayo kooxda ka hor intii uuna shir jaraa’id ku xaqiijin in uuna meelna uga socon kooxda Real Madrid inkasta oo uu xaqiijiyay in ay jiraan dalabyo u yimid.

Sergio Ramos ayaa beeniyay in uu Cristiano Ronaldo la soo xiriiray si uu ugu qanciyo in uu kula biiro kooxda Juventus xagaagan.

Kooxda Juventus ayaa ka mid ahayd kooxihii lala xiriirinayay kabtanka xulka Spain xilli ay jireen warar sheegaya in uu Ronaldo la soo xiriiray Ramos una sheegay in uu kula biiro kooxda Juventus.

Ramos oo la hadlaya wargayska MediaSet ayaa yiri Waxa aan xiriir fiican la leeyahay Cristiano Ronaldo, warara xanta ah ee suuquna ima mashquuliyaan
Ilamuu soo xidhiidhin Ronaldo si uu iigu qanciyo in aan ku biiro Juventus.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore u ciyaaray 28 kulan oo horyaalka La Liga ah isaga oo u dhaliyay 7 gool xili ay xilli ciyaareedka.